spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Talaabooyinka Ay ka Qaadi karto DFS Diyaaradii Hargeysa geysay Wasiirka Arimaha Dibadda...

Talaabooyinka Ay ka Qaadi karto DFS Diyaaradii Hargeysa geysay Wasiirka Arimaha Dibadda Israiil.?

0
26

Arbaco 7 Juun 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haysata dhowr dariiqo oo sharci ah oo ay kula xisaabtami karto diyaaraddii gaar oo ay leedahay Fly Lili, taas oo lagu eedeeyay inay fududeysay gelitaanka sharci-darrada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee magaalada Hargeysa. Wasiirka oo diyaaradaha Rakaab diideen maadaama uusan haysan Visaha Soomaaliya ayaa ku soo galay diyaarad gaar ah.

Marka la eego sharciga duulista caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Chicago ee 1944, dal kasta wuxuu leeyahay xaq buuxa oo uu ku maamulo hawadiisa, waxaana qasab ah in diyaarad shisheeye ay hesho oggolaansho degitaan iyo marin-hawadeed.

Ku degista Hargeysa iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo arkaa jebin cad oo ka dhan ah madax-bannaanida hawada dalka.

Sidoo kale, xeerarka Ururka Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO) waxay waajib ka dhigayaan in shirkadaha diyaaradaha ay muujiyaan taxaddar buuxa, gaar ahaan hubinta sharciyadda safarka rakaabka.

Khubaro ayaa sheegaya in Fly Lili ay jebisay waajibaadkaas, maadaama la ogaaday in wasiirka uu dalka ku yimid isagoo aan haysan fiiso rasmi ah.

Dhanka kale, sharciga gelitaanka iyo duulista ee Soomaaliya wuxuu awood u siinayaa dowladda inay tallaabo ka qaaddo cid kasta oo fududeysa gelitaan sharci-darro ah ama ku xadgudubta nidaamka hawada dalka, iyadoo lagu qaadi karo mamnuucid duulimaad iyo tallaabooyin maamul oo kale.

Maaddaama Fly Lili ay ka diiwaangashan tahay Romania, Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaq u leh inay arrinta u gudbiso hay’adaha duulista ee Romania iyo Midowga Yurub, si shirkadda loola xisaabtamo jebinta shuruucda duulista caalamiga ah iyo anshaxa hawlgal.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhiirrigelinayaa inay adeegsato qodobadan sharci si ay u muujiso in hawadeeda iyo dhulkeeda aan la hareer mari karin, isla markaana looga hortago in diyaarado gaar loo leeyahay loo adeegsado jebinta sharciga iyo madax-bannaanida qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here