Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump oo sheegay inuu sii maamuli doono keydka Saliida dalka Venezuela .

0
25

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay dalkiisu uu si toos ah u maamuli doono wadanka Venezuela, isla markaana ay muddo sannado ah ka faa’iidaysan doonaan kaydka weyn ee saliidda ee dalkaas, ka dib marka xukunka laga tuuray Nicolas Maduro.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska New York Times, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in waqtiga oo kaliya uu sheegi doono inta ay qaadanayso in Maraykanka sii kor joogteeyo dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika.

Markii la weydiiyay in muddada uu Maraykanku dalkaas maamulayo ay noqon doonto saddex bilood, lix bilood, ama hal sano, Trump ayaa ku jawaabay: “Waxaan dhihi lahaa intaas aad ayay uga dheeraanaysaa.”

Hadalkan ka soo baxay hoggaamiyaha Maraykanka ayaa muujinaya qorshaha fog ee Washington ay ka leedahay Venezuela, gaar ahaan maamulista khayraadka dabiiciga ah ee dalkaas oo caan ku ah saliidda dunida ugu badan.

Dhanka kale, hadalkan ayaa waxaa ka falceliyay Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Venezuela, Delcy Rodriguez, iyadoo caddeysay inaysan jirin awood shisheeye oo maamusha dalkeeda.

Ilaa hadda, ma cadda hannaanka Maraykanku maamuli Venezuela oo Madaxweynaheedii hore ku xiran yahay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here