Khamiis 8Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.
HOOS KA AQRI QODOBADA UU KA HADLAY mADAXWEYNAHA.
Ka garaabidii Dowladda Kacaanka: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Waxa aan ka garaabayaa dul kasta oo nidaamkii kacaanku u gaystay Woqooyi, waxa aan diyaar u nahay wada-hadal Soomaaliyeed oo lagu xallinayo wax kasta oo naga qaldamay.”
Fariinta Israaiil: Madaxweyne Xasan Shiikh oo la hadlaya Israa|l: “Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen.”
Talaabada DFS Ay qaadeyso: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Waxa aan qaadaynaa tallaabooyin adag oo aan kaga hortegeyno aqoonsi-beenaadka Israa|l ee qayb ka mid ah dalkeena.”
Arinta Midnimada Madaxweyne Xasan Shiikh: “Wax kasta oo lagu midoobayo ayaa naga diyaara xataa xukunka walaalaha Woqooyi-yow.”
Kala gooynta Somaliya: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Soomaaliya laguma kala-goyn karo warqad uu qoray Netenyaahu oo denbiile ah, YH nooma danaynayso ee waxay dooneysaa in ay soo rarto Falastiin, saldhig amni-darrona samayso.”
Xiriirka uu La sameeyay Madaxda Somaliland Madaxweyne Xasan Shiikh: “Xiriiro o badan ayaan la sameeyey Madaxda Somaliland balse igama ay hoos qaadin xataa waxa aan isku-dayey in aan joojiyo Dagaalkii Gobolka Sool…nasiib-darro na lama dhegeysan, xalkeennu wuxuu ku jiraa innaga.”
Mahadcelinta Trump: Madaxweyne Xasan Shiikh:” Waxa aan si kal & laab ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Mareykanka si gaar ah Madaxweyne Trump; garab-istaagga uu u muujiyey Soomaaliya, waxa aan leenahay beerka kaa ogsooni.”






