Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Laascaanood, xilligaan oo dalka ku jiro dadaallo lagu adkeynayo Minimada.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Waqooyi Bari, Axmed Cabdirisaaq Diiriye ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Shiikh imaan doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay safarka madaxweynaha yahay shaqo qaran, isla markaasna uu ka horreeyo diyaar garow ay sameeyaan dhinacyada uu quseeyo.
Hore Magaalada Laascaanood waxaa sannadkii 2025 booqday Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, socdaalkaasi oo bud dhig u noqday aas aaska Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo hoggaankiisa la doortay 30 bishii Agoosto ee 2025.
Maamulkan ayaa saldhig u ah midnimada dalka, iyadoo Madaxweyne Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye dhowr jeer ku celiyay in aysan aqoonsaneyn Ictiraafka Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.






