Sabti 10 Jun 2026 {HMC} Masar waxay si cad u diidaysaa mashruuc kasta oo hal dhinac ah oo loogu magac daray “Somaliland”, maadaama uu si cad ugu xadgudbayo sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Axdiga Midowga Afrika, gaar ahaan mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, midnimadooda dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimahooda gudaha.
Masar waxay ku tilmaantay booqashadii Israa’iil ku tagtay “Somaliland” 6-dii Janaayo in ay tahay tallaabo sharci-darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana furaysa albaab khatar ah oo carqaladayn kara nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraamka xuduudaha, gaar ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Masar waxay si buuxda u taageertaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku boorinaysaa beesha caalamka inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dowladeed, ilaalinta midnimada, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta wada-hadalka gudaha, si loo xaqiijiyo amni iyo barwaaqo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Masar waxay bogaadinaysaa mowqifyada cad ee ka soo baxay dalal badan, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo dhammaantood diiday aqoonsi kasta oo sharci-darro ah, isla markaana taageeray midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Masar waxay mar kale ku celinaysaa diidmadeeda buuxda ee qorshe kasta oo loogu adeegsanayo aqoonsiga mashruuca “Somaliland” si loo hirgeliyo ujeeddooyin sharci-darro ah, sida barakicinta shacabka Falastiin ama sii kala qaybin Marinka Qaza.
Ugu dambayn, Masar waxay adkaynaysaa inay mar walba ahaan doonto xubin firfircoon oo ka shaqaysa difaaca sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo danaha guud ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo diiradda saareysa ilaalinta madax-bannaanida dalalka iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamkaba.






