Israa’iil oo heegan gashay iyadoo ka cabsi qabtay inuu Mareykanku farageliyo Iiraan.

0
14

Axad  11 Jun 2026 {HMC}  Israa’iil ayaa ka feejigan suurtagalnimada faragelin kasta oo Mareykanka uu ku sameeyo Iran iyadoo mas’uuliyiinta dalkaas ay wajahayaan mudaaharaadyadii ugu weynaa ee dowladda looga soo horjeedo muddo sanado ah, sida laga soo xigtay saddex ilo oo Israa’iil ah oo arrintan wax ka og.

Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu faragelin doono Iiraan wuxuuna uga digay taliyayaasha dalkaas inay awood u adeegsadaan dibadbaxayaasha. Sabtidii shalay ahayd, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu “diyaar u yahay inuu caawiyo dibadbaxayaasha”.

Ilaha, kuwaas oo goobjoog ka ahaa la-tashiyada amniga ee Israa’iil dhammaadkii toddobaadka, ma aysan faahfaahin waxa feejignaanta sare ee Israa’iil loola jeedo ficil ahaan. Israa’iil iyo Iran ayaa bishii June waxaa dhex maray dagaal socday 12 maalmood, kaas oo Maraykanku la saftay Israa’iil isla markaana qaaday duqaymo cirka ah.

Wadahadal taleefoon ah oo ay yeesheen shalay, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio waxay ka wada hadleen suurtagalnimada faragelinta Mareykanka ee Iran, sida laga soo xigtay ilo Israel ah oo goobjoog ka ahaa wada hadalka. Sarkaal Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in labada nin ay wada hadleen balse ma uusan sheegin waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Israa’iil ma aysan muujin rabitaan ah inay farageliso Iran iyadoo mudaaharaadyadu ay qabsadeen dalkaas, xilli xiisadda u dhexeysa labadan cadowga isku ah muddada dheer uu sare u kiciyay walaaca ay Israa’iil ka qabto barnaamijka Nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here