Axad 11 Jun 2026 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbax ay soo abaabuleen Ururrada Haweenka, waxaa looga soo horjeedaa faragelinta Israa’iil ay ku hayso Dalka, waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan dibadbaxoooda iyo difaaca Waddanka.
Haweenka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin Difaaca Dalka si looga hortago xadgudubka Yuhuudda ay ku hayso maadaama ay sheegtay in ay aqoonsatay Somaliland, sidoo kale Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda uu tagay Hargaysa.
Dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, halka cambaaraynta caalamiga ah ee lagu samaynayo Maamulka Ra’iisul Wasaare Banjamin Netanyahu ay sidoo kale korortay iyada oo dhinacyo kala duwan looga dhegan yahay.
La soco wixii kasoo kordha






