Isniin 12 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xubnaha Mucaaradka ah uu la qaadanayo si looga hadlo Xaaladda Dalka.
Siciid Deni ayaa sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay ka qaybgalka kulankaas, doorka Dowlad-Goboleedka Puntland ayuu xusay in uu dhexgeynayo goobaha lagu wadahadlayo si loo raadiyo xal midaysan oo dalka dan u ah sida uu hadalka u dhigay.
Deni ayaa intaas raaciyay shirarka u dhaxeeya Madaxda Sare Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka si looga wadahadlo culayska siyaasadeed ee dalka ka jira maadaama uu tilmaamay in muddo xileedka Hay’adaha Dowladdu uu sii dhammaanayo.
“Waxaynu u baahan nahay in si dhab ah Dadka Soomaaliyeed u wada hadlaan oo la is ixtiraamo, wixii laga badin waayo lagu heshiiyo laguna dhaqmo, Fagaarayaasha dadka isugu yimaado haddii aan aragno mid ah Puntland way tagaysaa, kan la malaynayo ee MW Federaalka ee 20ka Bisha haddii la qabto waan tagaynaa” Sidaasi waxaa yiri, Siciid Cabdullaahi Deni, MW DG Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa marar kala duwan waxa uu diiday ka qaybgalka shirarkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo xubnaha Mucaaradka, waxa uu hadda sheegayaa in uu diyaar u yahay ka qaybgalka shirarka cusub ee la qaban doonno.






