Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday diyaarado ay leeyihiin Imaaraadka Carabta

0
19

 

Isniin 12 Jun 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuulka ah ee ay leeyihiin ama ay kireysteen Imaaraadka Carabta inay galaan hawada sare ee Soomaaliya.

 

Go’aankaan dowladda Soomaaliya ayaa yimid ka gadaal markii la tuhmay in ay si qarsoodi ah u daabuleen hoggaamiyihii golaha goonigoosadka Koofurta Yamen oo taageero ka heleyay Imaaraadka Carabta Caliduruus Qaasin Cabdicasiis Al-Zubeydi, iyada oo aan wax ogeysiis ah la siin hay’adaha dowladda Soomaaliya, sida ay  saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil sar sare mid ka mid ah lix diyaarad oo xamuul iyo milatari ah oo Imaaraadku ku dejin jiray garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa horey u jebiyay amarka dowladda federaalka laba jeer Jimcihii iyo Sabtidii.

Dowladda federaalka ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah. Go’aankan lagu mamnuucay duullimaadyada Imaaraadka ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah, oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa yimid ka gadaal markii todobaadkii hore Caliduruus Qaasin uu ka soo baxsaday magaalada Cadan, isaga oo Berbera ku soo gaaray Doonmaha dheereeya, halkaas oo diyaarad ay leedahay Imaaraadka ka soo qaaday iyada oo ka dajisay Abu Dhabi, xilli ay sii martay garoonka Aadan Cadde.

Dowladda Soomaaliya oo arintaan ka hadashay ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira diyaaradda ama gaadiidka siday Ceydaruus Al-subeydi oo baxsad ka ah dadaallada nabadeynta dalka Yemen ee ay wado Dowladda Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here