4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DFS.

0
27

Isniin 12, Jan  2026 {HMC} Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxafadeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen afarta Wasaaradood ee dowlad goboleeyda Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid ku yimid khilaaf soo jiitamayay oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada shaqeynta, wadatashiga iyo is waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowladda goboleedyada iyo dowladda Fedaraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here