Tirada dhimashada dibadbaxyada Iran oo korodhay,

0
6

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Ugu yaraan 648 mudaharaadayaal ah ayaa la dilay intii uu socday olole xooggan oo lagu cabburinayo mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda ee ka socda Iiraan, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqda aadanaha ah.

Hay’adda Iran Human Rights oo fadhigeedu yahay Norway ayaa ka digtay in tirada dhimashadu ay aad uga sarreyso tan la sheegay, balse isgaarsiinta oo go’an darteed dalka oo dhan ayaa adkaynaysa in si madax-bannaan loo xaqiijiyo macluumaadka.

Horay, Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ka fiirsanayo “khiyaarro aad u adag” oo uu ku faragelinayo dalka Iran, kaddib markii uu horay uga digay inuu tallaabo qaadi doono haddii mudaharaadayaal la dilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here