spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladaha Turkey, Sucuudiga, Masar iyo Pakistan oo La qorsheeyay in ay gaaraan...

Dowladaha Turkey, Sucuudiga, Masar iyo Pakistan oo La qorsheeyay in ay gaaraan heshiis difaac oo wadajir ah.

0
26

Talaado13 jun 2026 {HMC} Dowladaha Turkey, Sucuudiga, Masar iyo Pakistan ayaa ku dhaw in ay gaaraan heshiis difaac oo wadajir ah balse maahan mid sida NATO kale ah sida ay ku warameen Bloomberg iyo MEE.

Heshiiska amni ee u dhexeeya Riyadh iyo Islamabad wuxuu labada dal ku waajibinayaa in fal kasta oo gardarro ah oo midkood lagu sameeyo loo tixgeliyo mid labadoodaba lagu qaaday.

Markii heshiiska la saxiixay bishii Sebtembar 2025, masuuliyiin Sacuudi ah ayaa sheegay in “dhammaan awoodaha militari” ay ku jiraan qodobada heshiiska, taasoo si dadban u tilmaamaysay hubka nukliyeerka ee Pakistan.

Ilo Turkish ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay sannadihii u dambeeyay aad ugu soo dhowaatey Sacuudiga, isla markaana ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka militari iyo amni ee ay la leedahay Boqortooyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu booqdo dhowr dal oo Khaliijka ah horaanta sanadkan, laga yaabo bisha Maarso.

Socdaalkiisa waxaa ka mid noqon doona Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, sida ay sheegeen ilo arrinta la socda oo la hadlay MEE.

Erdogan ayaa la filayaa inuu kala hadlo arrimaha amniga Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

Qof xog-ogaal u ah walaacyada Sacuudiga ayaa qiray in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee ka socda gobolka ay dhab ahaantii labada dal isu soo dhoweynayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here