spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Soomaaliya iyo Turkiga oo Bilaabay Hirgelinta Heshiiskii Iskaashiga ee 2016.

Soomaaliya iyo Turkiga oo Bilaabay Hirgelinta Heshiiskii Iskaashiga ee 2016.

0
19

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah u guddoomiyay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Aliyoow Ibro, waxaana goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga,

Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiyada labada dal.
Kadib munaasabadda saxiixa, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya loona adkeeyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Dowladda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here