spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada Masar Ayaa Dhawaan Lagu Waa In Lakeeno Gudaha Somaliya

Ciidamada Masar Ayaa Dhawaan Lagu Waa In Lakeeno Gudaha Somaliya

0
18

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Dowladda Masar ayaa wada qorshe ay ku soo dadajineyso ciidan ay keeni doonto gudaha Soomaaliya, xilli xiisad ay taagan tahay gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa baahiyay warbixin la xiriirta qorshaha Masar ee geeska Afrika iyo walaaca ay ka qabaan Aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland.

Masar ayaa muujisay sida lagama maarmaan u yahay ilaalinta amniga Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku socodka Maraakiibta iyo socdaalka.

Qorshaha Masar ayaa ah in Soomaaliya ay keento kumanaan ciidan iyo saraakiil isugu jira, si ay qeyb uga qaataan amniga iyo la dagaalanka AS.

Sidoo kale, Wargeyska The National ayaa tilmaamay in Masar qorsheynayso in la dhiso saldhigyo iskaashi oo lagu ilaaliyo marinka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab.

“Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ma aha oo kaliya arrin siyaasadeed, balse waa mid milatari oo toos u taabanaysa amniga biyaha iyo danaha Masar,” ayuu yiri falanqeeye dhanka amniga ah oo u waramay wargeyska.

Masar ayaa aaminsan tahay in joogitaanka Israa’iil ee waqooyiga Soomaaliya ay horseedi karto in Itoobiya ay hesho taageero militari iyo farsamo oo wiiqi kara cadaadiska Masar ee arrimaha Webiga Niilka.

Xukumadda Qaahira ayaa kamid ah dalalka sida adag uga hor yimid aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo midninada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here