Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u bilaabayso guuritaan dhamaystiran oo ay kaga baxayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaddib burburkii heshiisyadii milatari iyo amni ee u dhexeeyay Imaaraadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu yaraan Afar diyaaradood oo ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa galinka Hore ee maanta, laga bilaabo 8:00 aroornimo ilaa caawa, ka daadgurayn doona Garoonka Aadan Cadde, kuwaas oo qaadi doona qalab milatari iyo shaqaalaha Imaaraadka ee ku sugnaa caasimadda. Diyaaradahan ayaa u kala qaybsami doona labo qaadi doona ilaalada safaaradda iyo shaqaale ajaaniib ah oo howlo farsamo iyo amni ka hayay Muqdisho, halka labada kalena ay daabuli doonaan agab milatari oo horay Imaaraadku u keenay dalka.
Imaaraadka ayaa shalay Muqdisho soo galiyay qalab milatari oo uu ka keenay Jubbaland maadaama uusan jirin duulimaad toos ah oo u dhexeeya Kismaajo iyo Dubai taas oo keentay in marka hore Muqdisho ka keeno ka dibna loo qaado dalka Imaaraadka.
Dalkaan ku yaalla Khaliijka ayaa sidoo kale markab xamuul qalabkiisa uga daadguraystay magaaladda Bosaso.
Shaqaalaha Tower-ka Garoonka Aadan Cadde ayaa horey loogu wargeliyay imaanshaha iyo jadwalka duulimaadyadan, waxaana la xaqiijiyay in diyaaraduhu ka duuli doonaan Terminal-ka 23aad oo ah kan tooska ah, islamarkaana aan la marsiin doonin aagga rakaabka rayidka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maanta ay DFS iyo Imaaraadka ku kala aragti duwanaadeen habraaca la raacayo, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku adkaysatay in la baaro qalabka iyo shaqaalaha baxaya si waafaqsan sharciga iyo nidaamka amniga qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, dhex-dhexaadinta ay samaysay dowladda Itoobiya ayaa keentay in lagu heshiiyo in duulimaadyadu si gaar ah uga baxaan Terminal-ka milatariga, iyadoo aan la marin baaritaannada caadiga ah ee rayidka.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in Imaaraadka Carabta maanta si buuxda ugu guurayo Muqdisho, islamarkaana uu soo gabagabaynayo joogitaankiisii milatari iyo amni ee caasimadda, kaddib go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku burisay heshiisyadii labada dhinac horey u wada galeen.
Guuritaankan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ugu waa weyn ee ka dhacay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka bilihii u dambeeyay.



