Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray in bandow la geliyay Magaalada Laascaanood .

0
17

Jimco 16 Jun 2026 {HMC}  Amar kasoo baxay Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray amar ku socda Dadka Magaalada Laascaanood oo maanta sugaya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Magaaladaas, waxaana la adkeeyay amniga iyada oo lasoo saaray qodobo dhowr ah.

48 saac ayaa la xayiray isu socodka Gaadiidka iyo Dadka Magaalada Laascaanood, waxaa Ciidamada jooga xuduudaha Maamulkaas la faray in ay joojiyaan Gaadiidka ka baxaya xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyo kuwa soo galaya.

Dadka ayaa lagu faray in ay dulqaad muujiyaan Maadaama ay marti u yihiin madaxda Qaranka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tagaya Magaalada Laascaanood.

Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa jooga Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here