Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Xamse Ayaa Gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari .

0
20

Jimco 16 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Xamsa Cabdi Barre ayaa daqiiqado is xigay ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin heer federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Isimada Dhaqanka, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda.

Laascaanood waxa ay galaysaa saacado isugu jira Caleemo-saar Maamulka Waqooyi Bari iyo kulamo guud ah oo Madaxda Dalka ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Magaaladaas ku sugan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow socdaalka madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa saakay waqti hore gaaray Magaalada Laascaanood, waxa uu qayb ka yahay mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here