spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Magaalada Laascaanood iyo Taariikhda ku duugan 2026.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Magaalada Laascaanood iyo Taariikhda ku duugan 2026.

0
22

Jimco 16 jun 2026 {HMC} Laascaanood waxaa horey u joogay wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka. Waxaa ka mid ah wasiiro, saraakiil amni oo uu ay ku jiraan Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha NISA, iyo madax ka socda dowlad-goboleedyada federaalka.

Joogitaanka wafdigan ayaa muujinaya miisaanka siyaasadeed iyo amni ee la saarayo booqashadan oo kusoo aadaysa xilli Israa’iil aqoonsatay Soomaaliland oo iyadu sheeganaysa in Laascaanood ka tirsan tahay soohdimaha dhulkeeda.

dhanka kale Booqashadaan Madaxweyne Xasan uu ku tagayo gobolka Sool waxa ay noqoneysaa tiii sadexaad, 40 sano ka hor waxaa tagay magaaladaasi Hogaamiyihii Kacaanka ahaana Madaxweynihii sadexaad ee dalka soo maray ee Maxamed Siyaad Barre.

Taariikh ahaan dadka taariikhda ka faallooda ayaa ku tilmaamay safarkaan inuu yahay mid wax kusoo kordhin kara guud ahaan xasiloonida dalka, inkasta oo ay jiraan dad kale oo qaba inuu abuuri karo khilaaf siyaasadeed iyo arrimo kale.

sida ay qabto Aamina Cabdullaahi oo baratay siyaasadda iyo maamulka “Waxaan isleeyahay waxa ay niyad dhis u tahay dadka deegaamadaas oo muddo badan dagaalo kusoo jiray, sidoo kale waxa ay ila tahay in uu noqon kara mid muujinaya in dalku leeyahay siyaasado kale duwan”. Aamina waxa ay intaas ku dartay in fikrada ka qeyb-galka caleemo saarka Madaxweynaha Waqooyi-bari ay xambaarsan tahay siyaasad kale “waa jiri kartaa siyaasad in ay ku jirto balse dalku waxa uu u baahan yahay mid wada ogol ah Soomaali mid ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here