spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Dowladda South Sudan oo ka hortimid Qorshaha Israaiil iyo Somaliland.

Dowladda South Sudan oo ka hortimid Qorshaha Israaiil iyo Somaliland.

0
19

Jimco 16 jun 2026 {HMC} Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay inay si buuxda u taageerayso midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo raacaysa mowqifyada Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan, oo lagu taariikheeyay 16-ka Janaayo 2026, kana soo baxay magaalada Juba, ayaa lagu caddeeyay in Suudaanta Koonfureed ay si buuxda ula safan tahay go’aamada Midowga Afrika iyo IGAD ee ku aaddan arrimaha la xiriira Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso ballanqaadkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo lagu xusay xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in mowqifka Koonfurta Suudaan uu la jaanqaadayo heshiisyada iyo axdiyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan falcelinnada iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ku saabsan aqoonsigeeda ay ka heshay Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here