Sabti 17 Jun 2026 {HMC} Ciidanka dawladda Suuriya ayaa billaabay howlgal milatari oo bariga magaalada Xalab looga saarayo ciidanka kooxda Kurdida ee SDF, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay weerarro ka dhan ah ciidanka dawladda ka waday gudaha Xalab ee waqooyiga Suuriya iyo bariga magaaladaa,
Sirdoonka Mareykanka ay baahiyeen inay ka war heleen howlgal ballaaraan oo ciidanka dawladda Suuriya oo taageerro ka helaya ciidanka Turkiga ay ku doonayaan in lagu burburiyo awoodda kooxda SDF, sida uu baahiyay wargeyska Wall Street Journal.
Deegaannada ku yaalla bariga Xalab, oo ay gaareen ciidanka dawladda , markii halkaa laga saaray SDF , waxaa laga arkayay muuqaallo ay dadka deegaannada ku soo dhaweynayeen ciidanka dawladda.






