Sabti 17 jun 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay maxaabiistii ajaanibta ahaa ee ay ku qabteen Dagaalkii ay la galeen Kooxda Daacish.
Waa Qaar ka mid ah maxaabiista Ajaanibta ah ee Daacish oo lagu qabtay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, waxay u kala dhasheen Turkey , Saudi Arabia, Morocco , Ethiopia, Syria Iyo Tanzania.
Geesiyaasha Ciidankeenna Puntland oo taageero ka helaya saaxiibadeenna Imaaraadka iyo Maraykanka, ayaa ku guuleystay in Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS laga sifeeyo Calmiskaad, wuxuuna hadda maraya hawlgalku meel gebogebo ah.







