Sabti 17 June 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AS ayaa ku dagaalamaya deegaanno hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida ay sheegeen ilo kala duwan oo halkaas ku sugan.
Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen xubno katirsan AS iyaga oo ku billaabay qarax, waxaa xigay rasaas toos ah inkasta oo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo socda ee kala gaaray dhinacyadaan Dagaalamaya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aanay jirin xog dheeraad ah ay ka hayaan dagaalkaan maadaama uu si toos ah xiligaan uu ku socdo, waxaana jira gurmad gaaray ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan duleedka Warsheekh.
La soco wixii kasoo kordha






