Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

0
12

Sabti 17 June 2026 {HMC}  Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay lagu dilay deegaanka lagu magacaabi Philippi oo ka tirsan magaalada Cape Town laba ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ka shaqeysanaayay.

Allaha u naxariiste labada muwaadin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xooshoow Salaad iyo Cumar Cali, waxaana dilkooda geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas.

Waxa sidoo kale lasoo wariyay in muwaadin kale oo Soomaaliyeed uu dhaawac culus kasoo gaaray weerarka lagu dilay labada muwaadin ee ka dhacay deegaanka Philippi ee magaalada Cape Town.

Dhacdada la yaabka ku noqotay dadka Soomaaliyeed ayaa ah in burcada geysatay dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ineysan wax dhac ah ka geysan dukaamada ay ku dhex dileen, islamarkaana dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen, taasoo horay loogu baran burcada Koonfur Afrikaanka ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sameeyay baaritaan la xariiray dilka marxuumka, hayeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Si kastaba ha ahaatee bishaan Janaayo oo ah bisha koowaad ee sanadka 2026 ayaa u muuqata bil ka duwan sanadahii lasoo dhaafay waxaana si xowli ah ku socda dilalka lagu beegsanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dhex shaqeysata dalkaas, iyadoo dilka labada muwaadin ee Xalay ka dhigeyso tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas ilaa 8 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here