Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidanka xoogga ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan Sh/ Dhexe

0
19

Axad  18 June 2026 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidanka xoogga ay weli gacanta ku hayaan deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan gobolka Shabeellda Dhexe, kaasi oo saaka AS ku soo qaadeen weerar ku billaaday qaraxyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka halkaasi ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

“Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan,” ayaa lagu xusay bayaanka Wasaaradda.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo weli xaaladda deegaanka aysan daganeyn.

Jabad Godane ayaa hoos yimaada degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana gacanta ku haya Laamaha Amniga ee Soomaaliya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here