spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Madaxweyne Trump.

Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Madaxweyne Trump.

0
21

Axad 18 Jun 2026 {HMC} Ra’iisulwsaraaha Israel Benyamin Netanyahu ayaa ku baaqay kulan hor dhac ah oo degdeg ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiiradda Dagaalka taas oo ay kaga jawaabayaan magacaabista uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald trump xubanaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Qasa.

Saraakiisha Israel ayaa qeexay walaacooda ku aadan qaabka loo dhisay waxa lagu magacaabay “Golaha Nabadda” taas oo ay u arkaan in ay ka hor imaaneeyso siyaasadda Israel, sheegayna in aan Israel lagala tashan dhismihiisa.

Golaha Fulinta, oo kormeeri doona maamulka Qasa dagaalka kadib, waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka kala socota Turkiga iyo Qatar, laba dal oo dhaleeceeyay dhaqanka Israel intii lagu jiray dagaalka Qasa.

Dhinaca kale, Falastiiniyiintu waxay tilmaameen in aanay matalin hay’adahan.

Hoggaamiyaha Hindisaha Qaranka Falastiin, Mustafa Barghouti, ayaa u sheegay BBC-da in goluhu uu “u muuqdo inuu yahay hay’ad Maraykan ah oo ka kooban qaar ka mid ah xubnaha caalamiga ah.”

Wargeyska Times ee kasoo baxa Israel oo soo xiganayay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil maalintii Sabtida ayaa sheegay in dhawaaqii Aqalka Cad ee la xiriiray samaynta hay’ad cusub oo caalami ah oo kormeera Qasa “aan lagala la tashan Israa’iil, islamarkaana ay ka hor imaanayso siyaasaddeeda.”

Sida uu wargeysku sheegay, Netanyahu ayaa u muuqday inuu kasoo horjeedo isku-dhafka golaha cusub, oo loo yaqaan ‘Golaha Fulinta.’

In kasta oo Golaha Fulinta uu si farsamo ahaan uu ku shaqeyn doono in uu hoos yimaada Golaha Nabadda—oo uu Madaxweyne Trump guddoominayo isla markaana ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaal caalami ah, haddana doorkiisa wuxuu si toos ah uga qayb qaadan doonaa kormeerka maamulka Qasa dagaalka ka dib, taas oo ka dhigaysa inuu noqdo jilaa dhexe, marka loo eego doorka astaaneed ee uu u dhisanyahay Golaha Nabadda.

Xafiiska Netanyahu ayaa ku sheegay hadal qoraal ah, in Ra’iisulwasaaruhu uu amray wasiirka arimaha dibadda Gideon Sa’ar inuu ku wargeliyo dhiggiisa Maraykanka Marco Rubio diidmada Israel ee ku wajahan qaab dhismeedka golaha fulinta.

Bloomberg News ayaa sabtidii soo warisay, iyada oo tixraacaysa qaraarka naqshadeysan, in maamulka Madaxweyne Donald Trump ee Maraykanka uu doonayo inuu waddamada ku qasbo inay bixiyaan $1 bilyan si ay uga mid noqdaan Golaha Nabadda ee uu soo jeediyay, halka Reuters ay sheegtay in aanay warkaasi xaqiijin karin.

Sida ku xusan warbixinta, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu qabanayo jagada madaxweynahaGolaha ee sida madaxweynihii ugu horreeyay, iyadoo xubinnimada waddan kasta ay socon doonto muddo aan ka badnayn saddex sano laga bilaabo marka uu dhaqan galo heshiisku, iyadoo ay suurta gal tahay in lagu cusbooneysiiyo go’aan madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here