spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Suudaan ?

Maxay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Suudaan ?

0
15

isniin 19-Jun 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal gaar ahaan arrimo la xiriira adkeynta amniga Badda Cas, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya.

Safiirka Suudaan, Cabdiraxmaan Khaliil ayaa markale ku celiyay in ay ka soo horjeedaan waxkasta oo dhaawacaya midnimada Soomaaliya, xilli dalkiisa si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

Dhankiisa, Wasiirka Cabdisalaam ayaa muujiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ixtiraamida midnimada iyo madaxbannaanida dalka Suudaan oo ka soo kabaneysa dagaalladii sokeeye.

Sidoo kale, wuxuu safiirka Suudaan uga mahadceliyay booqashadii dhawaan uu ku tagey magaalada Laascaanood, taasi oo tilmaameysa in xiriirka labada dal sii xooggeystay.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo soo jireen, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here