Booliska Afmadow oo xiray Rag ku howlanaa ka ganacsiga iyo laynta duur-joogta

0
18

Isniin 19-Jun 2026 {HMC} Ciidanka Booliska degmada Afmadow ayaa gacanta ku soo dhigay rag ku howlanaa ka ganacsiga iyo laynta duur-joogta, kuwaas oo Ugaadha uga ganacsanayey si sharci-darro ah.

Raggan la qabtay ayaa maamulka degmada Afmadow waxaa uu horay ugu diray digniin adag, Madaama ay xadgudub ku sameeyeen deegaanka iyo duur-joogta.

Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji-Maaji), ayaa sheegay in raggaan lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay bulshada degmada Afmadow in ay ka qeyb qaataan ilaalinta duur-joogta iyo deegaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si looga hortago dadka ku takri-falaya duur-joogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here