spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika.

0
20

Talaado 20-Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda gobolka, kor u qaadista iskaashiga arrimaha gobolka ee ay dano wadaagga ka yihiin iyo adkaynta nabadgelyada iyo horumarka.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here