Maxay ka wada Hadleeyn Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Uganda?

0
17

Arbaco 21-Jun 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa wada hadal khadka Taleefanka ah la yeeshay dhigiisa dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Ugu horreyn, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Museveni dib u doorashadiisa iyo guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dhiggiisa Uganda in muddada xil-hayntiisa cusub ay u noqoto mid dalkiisa u horseedda nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Intii uu socday wada-hadalka khadka taleefanka, labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Waxay si gaar ah diiradda u saareen xoojinta wadashaqeynta dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo midaynta dadaallada ku aaddan danaha guud ee labada shacab.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadi’da caalamiga ah ee ku saabsan madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo isku raacay in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay is-ixtiraamka iyo iskaashi dhow oo dhex mara dalalka dariska ah.

Soomaaliya ayaa xiriir diblumaasiyadeed oo dhow la leh Yugaandha, iyadoo ciidamo badan oo nabad ilaalin ah ka joogaan gudaha dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here