spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Trump oo Sheegay in Greenland ay ka tirsan tahay Waqooyiga Ameerika. Iyo...

Trump oo Sheegay in Greenland ay ka tirsan tahay Waqooyiga Ameerika. Iyo Midawga Yurub oo qatay Go aan Adag.

0
30

Arbaco 21-Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shirka Davos ka sheegay in jasiiradda Greenland ay ka tirsan tahay Waqooyiga Ameerika, wuxuu mar kale ku adkeystay hadalkiisii ahaa inuu doonayo inuu la wareego maamulka dhulkaas oo ah ismaamul ka tirsan Denmark, isagoo intaa ku daray; “Taasi waa dhulkeenna, sidaas darteedna waa arrin amni qaran oo aad muhiim ugu ah Mareykanka.”

 

Midowga Yurub ayaa qaaday tallaabadii u horreysay oo looga jawaabayo hadallada Trump ee la xiriira inuu Mareykanka la wareegayo jasiiradda Greenland, kaddib markii Baarlamaanka Midowga Yurub ay hakiyeen heshiiskii ganacsi ee u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here