Arbaco 21-Jun 2026 {HMC} Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamadda geesiyaasha Danab & Jubaland ee maanta sida nafhurnimada ah u jabiyay naftood-haligayaasha khawaariijta ee isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku qadaan Magaalo xeebeedka Kudhaa ee Gobolka Jubbada hoose.
Tani waa astaan kale oo muujinaysa dhabar-adeegga, Geesinimada, Dhiiranaanta, iyo waddaniyadda ciidanka Danab iyo Jubbaland, kuwaas oo iyaga oo ku jira duruufo adag had iyo jeer u babac-dhiga dhagarqabayaal u abaabulan ragaadinta dowladnimada & dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan la dalaadhacaaya, waxayna muujinaysaa sida ay Khawaarijtu u yihiin kuwa taag daran oo naflacaari ah, gabolkooduna dhacay.
Iska caabbinta ay sameeyeen ciidanku waxaa u suurtogaliyay feegignaantooda, heerka wardoonkooda iyo halgaaminimadooda, taas oo aan ku ammaanayo taliyeyaasha, saraakiisha iyo halyeeyada kale ee ciidamada kujira.
Halyeeyada shahiiday waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadadooda ka aqbalo, inta dhaawaca ah Rabbi ha u booga-dhayo. Waxaan ballan qaadeynaa taageero iyo taakulaba inaan idinla garab taaganahay.
Ugu dambeyn waxaan idinkula dardaarmayaa in aydaan niyad jabin, aydaan u naxariisan cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaariijta, islamarkaasna dhawrtaan xuquuqda dadka shacabka ah, amigoodana sugtaan. Waxaana bogaadinayaa sida aad wali baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaanadii maanta dirirtu ka dhacday.
XAMSA CABDI BARRE Ra’iisul wasaaraha XJFS






