Arbaco 21-Jun 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraaqchi, ayaa sheegay in dalkiisu u diyaarsan yahay inuu si adag uga jawaabo tallaabo kasta oo ka timaadda Maraykanka.
Hadalkan ayuu ku muujiyay in Iiraan aysan ka waaban doonin inay adeegsato dhammaan awooddeeda haddii la weeraro ama cadaadis dheeraad ah la saaro.
Digniintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka Bariga Dhexe.






