Khamiis 22-Jun 2026 {HMC} Puntland ayaa soo bandhigtay afar xubnood oo ka tirsan ururka Daacish (ISIS), kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in xubnahan ay doorteen inay isdhiibaan, isla markaana la marin doono baaritaanno dhanka amniga ah si loo xaqiijiyo doorkii ay ku lahaayeen ururka Daacish.
“Qof kasta oo iskii isu soo dhiiba, dowladdu waxay siinaysaa fursad uu ku wajaho caddaaladda,” ayuu yiri sarkaalku, isaga oo ugu baaqay xubnaha kale ee ku harsan Daacish inay ka faa’iideystaan fursaddan.
Sarkaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Puntland ay guulo la taaban karo ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Daacish, gaar ahaan toddobaadyadii u dambeeyay, isagoo xusay in howlgallo amni oo isdaba joog ah ay sababeen jab culus oo ku yimid awoodda ururka.
Afarta xubnood ee isdhiibay, saddex kamid ah waa muwaadiniin kasoo jeeda dalka Itoobiya ah, halka midka afraad uu yahay Yemeni. Dhanka kale, maalmo ka hor, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin kale oo ajnabi ah oo caddaan ah, kaas oo lagu qabtay halka loo yaqaano Habar Bajuuke, oo ka tirsan togga Baallade.
Kaddib 13 bilood oo ay ciidamada Puntland dagaal kula jiraan Daacish, Puntland ayaa burburisay awooddii Daacish ay ku lahayd Calmiskaad, iyadoo haatan kooxdu ay noqotay wax firxad ah iyo kuwa godadka kaga dhuumanaya beegsiga ciidamada Puntland iyo duqeymaha Maraykanka.



