spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Muxu yahay hishiiska Ay Wada galeen Soomaaliya iyo Pakistan?

Muxu yahay hishiiska Ay Wada galeen Soomaaliya iyo Pakistan?

0
23

Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Pakistan, halkaas oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la qaato istaraatijiyad wadajir ah oo lagu ciribtirayo argagixisada iyo xagjirnimada.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la ballaariyo wada-shaqeynta dhinacyada tababarrada ciidamada, maareynta xuduudaha, iyo maaraynta masiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga gudaha, la-dagaallanka argagixisada, iyo wada-shaqeynta guud ee amniga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha iyo xogta amni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto waayo-aragnimada Pakistan ee la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gudaha, isagoo muujiyay diyaar garow buuxa oo ku aaddan in la xoojiyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa ballanqaaday in Pakistan ay si buuxda u taageeri doonto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka booliska, tababarrada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Cali Yuusuf ayaa sidoo kale ammaanay horumarka kaabayaasha dhaqaale ee ka socda magaalada Islamabad, isagoo xusay in Soomaaliya ay wajahayso duruufo adag islamarkaana ay si toos ah ugu jirto dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada, isla markaana booqashadan ay gacan ka geysan doonto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Mohsin Naqvi ayaa sheegay in Pakistan ay si buuxda u fahamsan tahay caqabadaha amni ee heysta Soomaaliya, wuxuuna shaaciyay in la fududeyn doono fiisayaasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya Pakistan daaweyn caafimaad iyo waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here