Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa ku lug leh dagaallada ka socda Yemen iyo Suudaan. Jawar Maxamed oo ka faaallooda siyaasada ayaa ka walaacsan in Itoobiya ay noqon karto dalka ku xiga.
Xiisada ka taagan geeska Afrika waa mid ka sii dareysaa. Xaalada waxay sii xumaatay markii Israa’iil noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, oo Soomaaliya u aragto in ay ka mid tahay dhulkeeda.
Tallaabada Israa’iil waxaa ka horyimid dalal iyo hay’ado badan, mana jirto cid si cad u taageertay ilaa hadda.
Wadamada loo yaqaan Quwadaha Dhexe oo ay ka mid yihiin, Imaaraadka, Sacuudiga, Turkiga iyo Qatar, ayaa kordhiyay tartanka ay ugu jiraan maamulidda xeebaha Badda Cas.
Waddanka ugu weyn Afrika, Itoobiya, ayaa doonaya in uu gaaro danahiisa qaran.Waxaa jira dalal ka soo horjeeda rabitaanka Itoobiya ee ah in ay gaarto Badda Cas. Hadaba sidee Itoobiya ula tacaali doontaa xiisaddan? Maxayse tahay in ay sameyso?
Geeska Afrika waa gobolka labaad ee ugu nugul qalalaasaha marka laga soo tago Bariga Dhexe. Waxaa tartan loogu jiraa cidda hoggaanka u qaban laheyd gobolka.
Mohammed wuxuu qabaa in Itoobiya gaarto Badda Cas, balse wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in sida dowladda ku socoto aysan guul keeneyn.
Heshiiskii af-garadka ahaa ee Itoobiya laba sano ka hor la gashay maamulka Somaliland ayaa ka caraysiiyay Soomaaliya, wuxuuna sababay qalalaase weyn oo ugu dambeyn horseeday in heshiiskaas la hakiyo, waxaana la saxiixay heshiiska Ankara ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay Itoobiya siiso saamiga ay rabto.
Si kastaba ha ahaatee, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Daddafo, ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi aysan hirgelin.
Markii BBC-du waydiisay sababta uusan u guuleysan, wuxuu yiri: “Waxba ma dhicin sida aad aragtaan.”
Itoobiya marar badan ayay sheegtay in ay kordhin doonto dadaallada la xiriira sidii ay ku heli laheyd Badda Cas.
Dhanka kale, xiisad culus ayaa ka dhex qaraxday Sacuudi Carabiya iyo UAE.
Safiirka waxa uu sheegay in Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka ay ahaayeen dalalkii ku xooganaa gobolka.
Balse, hadda waddamo kale ayaa ku tartamaya Badda Cas si ay u ballaariyaan saameyntooda.
“Ku lug lahaanshahooda dalalkan waa mid soo jirtay muddo, haddase way kasii dareysaa,” ayuu yiri.

Sidee Itoobiya uga gudbi doontaa xiisadda gobolka?
“Haddii aan xiriir la sameysano dalal kale, saddex arrimood ayaan ka faa’iidi doonnaa oo kala ah horumar, amni iyo dhismaha dimuqraadiyadda.”
Xiriirka Itoobiya iyo UAE ayaa si weyn u xoogeystay tan iyo markii raysalwasaare, Abiy Ahmed, uu xilka la wareegay.
Mas’uuliyiinta dowladda waxay sheegeen in xiriirkan faa’iido u leeyahay Itoobiya, iyadoo la sheegay in maalgelinta UAE ee Itoobiya ay sii kordhayso.
Jawar Mohammed, oo caan ku ah dhaliilidda xukuumadda raysalwasaare Aby, wuxuu sheegay in xiriirka Itoobiya iyo imaaraadka uusan saddexdaas dhinacba laheyn.
Wuxuu ku tilmaamay xiriirkaas mid ku dhisan “ku-tiirsanaan”, wuxuu ku eedeeyay UAE in ay “kaga sii dartay” xaaladda amniga ee Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay xoogga saartay xiriirka amniga ee imaaraadka iyadoo dayacday horumarinta dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda, taasna waxay keentay in “colaadda Itoobiya sii kororto”.
‘Fursad ayey Itoobiya lumisay’ Itoobiya markii hore waxay la heshiisay Somaliland, oo Soomaaliya u aragto in ay ka mid tahay, si ay u hesho marin badeed.
Heshiiskaasi ma miro dhalin. Kadibna Israa’iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland.
Dal kale oo ku xigay ma jirto. Somalilandse waxay sheegaysaa in ay jiraan dalal daneynaya.
Jawar wuxuu sheegay in xilligii raysalwasaare Mallas Zenawi, Itoobiya ay lahayd siyaasad ah in aanay iyadu noqon tan ugu horreysa ee aqoonsata Somaliland, balse ay sugto inta kuwa kale sameynayaan.
Xigasho BBC






