Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa si adag uga jawaabay hadallo toddobaadkii hore uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo sheegay inta howlgalkii Afgaanistaan uu socday inuusan Mareykanka waxba uga baahan dalalka kale ee NATO, isagoo ku tilmaamay in ciidanka ka socday ay ku sugnaayeen meelo ka fog furimaha dagaalka.
Starmer, ayaa hadalkan ku sheegay mid aad looga xumaado oo wax u dhimanaya qoysaska 457 Askari oo Ingiriis ah oo ku dhintay inta howlgalkaa uu socday , isagoo intaa ku daray ; “ Haddii ay hadalladan anniga iga soo bixi lahaayeen hubaal waxaan ka bixin lahaa raalligelin.”
Trump ayaa joogteeyay dhaleeceynta dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO, wuxuuna mar kasta ku sifeeyaa kuwa aan lahayn awood ay ku taageerraan Mareykanka.!



