Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Ninka ay saraakiisha federaalku ku toogteen saaka subaxdii magaalada Minneapolis koonfurteeda, waxaa loo aqoonsaday inuu yahay Alex Jeffrey Pretti, 37 jir, sida ay ilo ku dhow baaritaanku sheegeen.
Brian O’Hara, taliyaha booliiska Minneapolis, ayaa sheegay in Pretti uusan lahayn taariikhda dambiyo culus, diiwaanaduna muujinayaan inaanuu systemka ugu jirin wax ka badan ganaaxyada baarkinka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu ahaa milkiile sharci ah oo hubkiisu rukhsad leeyahay.
Diiwaannada gobolka waxay muujinayaan in Pretti wax ka bartay Jaamacadda Minnesota, isla markaana la siiyay shatiga kalkaaliye ee shaqada sanadkii 2021, kaas oo wali shaqaynaya ilaa Maarso 2026. Dhacdadu weli waa waxa ku socda baadhitaan.






