Axad 25, Jan 2026 {HMC} – Soomaaliya iyo Pakistan ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis rasmi ah oo dhigaya in la is-dhaafo shuruudda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo fududeynaysa isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, fududaynta safarrada rasmiga ah, iyo xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.
Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday kulan rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Asif Ali Zardari, la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dal.
Heshiiska waxaa dhankooda u kala saxiixay Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-Dagaallanka Maandooriyaha Pakistan, Dawood Muhammad Baraech, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Hamza Aadan Haadoow.
Kulanka dhexmaray labada dhinac, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa guddoomiyay farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysay rabitaanka Soomaaliya ee ah in la adkeeyo lana ballaariyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Pakistan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Pakistan soo dhaweynta iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, waxayna rajo ka muujisay in iskaashiga labada dal uu horseedo kulammo joogto ah oo heer sare ah, wada-tashi miro-dhal ah, iyo mashaariic wadajir ah oo u adeegaya danaha labada shacab.






