Dagaalame ka tirsan As ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland

0
21

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Maxamed Axmed Ismaaciil oo ku magac dheer (Nageeye) ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buula-Xaaji, kaddib markii uu ka mid ahaa dagaalamayaashi As ee ka firxaday dagaalkii cuslaa ee ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Ninkan isa soo dhiibay ayaa watay qori nooca PKM ah, waxaana la sheegay inuu la socday xubno kale oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ka badbaaday howlgalkii militari ee dhawaan ka dhacay Kudhaa, kaas oo lagu dilay boqolaal dagaalyahanno As ah sida ay sheegtay warbaahinta Jubaland.

Ninkaan ka tirsanaa As ayaa warbaahinta u sheegay ay kala yaaceen dagaalka kaddib, isla markaana ay ku kala lumeen dhul adag oo keymo iyo xeeb isugu jira, taasoo keentay in tobannaan ka mid ah ay u dhinteen harraad, gaajo iyo daal, halka qaar kalena ay ku qasbanaadeen inay isa soo dhiibaan.

Dhanka kale, Ciidamada Kumaandooska DANAB, oo garabsanaya ciidamada maamulka Jubbaland, ayaa sii xoojiyay howlgallada militari ee ka dhanka ah As, gaar ahaan agagaarka magaalada xeebta ah ee Kudhaa iyo deegaannada hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Kudhaa ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah ay geereen goobaha dagaalka, si loo xoojiyo howlgallada lagu beegsanayo saldhigyada iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan As .

Saraakiisha amniga Jubbaland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay si firfircoon uga qeyb qaadanayaan howlgallada socda, iyagoo fulinaya duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo goobo kala duwan oo ku yaalla Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here