Axad 25, Jan 2026 {HMC} Shiinaha ayaa saacadihii u dambeeyay 16 diyaaradood oo xamuul ah u diray Iiraan , taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda bariga dhexe , xilli ay sare marayso suragalnimada weerar lagu qaado Iiraan,
halka sida deg degga ah ee Shiinaha u billaabay inuu diyaaraddo xamuul ah u diro Iiraan , ay sidoo kale dhalinayso is waydiinta doorka Shiinaha ee colaadda bariga dhexe, sida ay baahiyeen Defense Arabic iyo wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.
Bariga dhexe ayaa ku jira marxalad dib u qaabeyn ah oo la aaminsanyahay inay qeyb ka tahay isbeddelada ka dhacaya caalamka , waxaana dhici taan kasta oo nidaamka Iiraan ku yimaada uu meesha ka saarayaa saameyntii Shiinaha uu ku lahaa gobolka bariga dhexe , kaasoo 80% shidaalka Iiraan ku hela qiimo jaban ,
mar kasta oo shidaalkaa uu gacanta u galo Mareykanka iyo xulafadiisa waa go’doomin dhaqaale iyo istaraatijiyadeed oo Shiinaha uu wajahayo , xilli markii horaba uu Shiinaha dhaleeceyn kala kulmayay aamusnaantiisa howlgalkii Mareykanka uu ka fuliyay Venezuela oo lagu beddelay nidaamkii ka jiray dalkaa.






