Talaado 27, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in Waaxda Caddaaladda (DOJ) ay waddo baaritaan ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota.
Trump ayaa warkan ku faafiyay bartiisa Truth Social, isagoo qoray: “Waaxda Caddaaladda (DOJ) iyo Congress-ku waxay baarayaan ‘Xildhibaanad’ Ilhaan Cumar, oo Soomaaliya ka timid iyadoo waxba haysan (eber ah), haddana la sheegayo inay haysato hanti ka badan 44 milyan oo dollar. Waqtiga ayaa wax walba sheegi doona.”
Kani waa weerarkii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu ku qaado Ilhaan, waana tusaalihii ugu cusbaa ee muujinaya madaxweynaha oo beegsanaya dadka ay siyaasadda isku hayaan, isagoo adeegsanaya awoodda baaritaan ee dowladda.
Xiisadda u dhaxaysa labadooda ayaa sii kordhay xilli saraakiisha socdaalku ay sii
wadaan roondada iyo howlgallada ay ka sameynayaan magaalada Minneapolis, oo
ah deegaanka ay Ilhaan wakiilka ka tahay.
Ilhaan ayaa Isniintii u muuqatay mid aan dhibsan hadalka Trump. Qoraal ay soo
dhigtay barta X (Twitter), ayay Ilhaan ku sheegtay in Trump uu isku dayayo inuu
dadka “kaga jeediyo fashilkiisa.”\
“Waan ka xumahay, Trump, taageeradaadii way sii dumeysaa waanad argagaxsan
tahay,” ayay qortay. “Si sax ah, waxaad guuldarrooyinkaaga ku qarinaysaa beenta
iyo aragtiyada shirqoolka ah ee aad aniga iga faafinayso. Baaritaanno socday
sannado badan waxba lagama helin. Dableydaada kala bax Minnesota.”
Afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay in aysan wax og
Hantida Ilhan ayaa si weyn kor ugu kacday sannadkii la soo dhaafay, waxaana
Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiilada, James Comer (R-Ky.), uu
dhawaan u sheegay wargeyska New York Post inuu qorsheynayo inuu bilaabo
baaritaan ku saabsan waxa sababay kororka degdegga ah ee hantideeda.
Sida lagu sheegay macluumaad maaliyadeed oo la diiwaangeliyay sannadkii hore,
kororka hantida Ilhaan ayaa asal ahaan ka yimid dhanka seygeeda—mana ahan
lacag ka soo gashay shaqada dowladda. Waxay shaacisay in seygeedu uu saamiyo
ku leeyahay shirkad maalgashi (venture capital) iyo mid khamriga sameysa
(winery), kuwaas oo qiimahoodu u dhexeeyo $6 milyan ilaa $30 milyan
.
Dhaqan ahaan, ilaha dhaqaalaha iyo hantida xubnaha Congress-ka iyo xaasaskooda
ayaa lagu shaaciyaa qiyaas ballaaran (ranges), ee ma ahan tiro lacageed oo go’an.
Ilhaan ayaa horey u beenisay eedeymaha ku saabsan wax isdabamarin, waxayna
sheegtay in Trump uu qabo “waali naxdin leh” oo ku saabsan iyada.






