Trump oo madaxweynaha Suuriya Axmed Sharac, kuna tilmaamay hoggaamiye si weyn loo ixtiraamo.

0
22

Talaado 27 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa caawa sheegay inuu telefoon kula hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed Sharac, kuna tilmaamay;hoggaamiye si weyn loo ixtiraamo.

Hadalkan wuxuu yimid wax yar kaddib markii Aqalka Ruushka ee Kremlin-ka uu shaaciyay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu martiqaad rasmi ah u diray Sharac, si ay 28-ka Janaayo wadahadallo ugu yeeshaan Moscow, kuwaas oo la xiriira isbeddelladii u dambeeyay ee ka dhacay Suuriya iyo xaaladda guud ee gobolka.

Trump, isagoo ka hadlayay wada-hadalka uu la yeeshay Sharac, wuxuu sheegay in xaaladda Suuriya ay si fiican u socoto, isla markaana ay ku faraxsan yihiin waxa halkaas ka socda. Hadalkaas waxaa si guud loo fahmay inuu la xiriiro tallaabooyin ay dowladda Sharac dib ugu soo ceshatay dhulal horey uga baxsanaa gacanta dowladda, gaar ahaan meelihii ay joogeen ciidamada Kurdiyiinta.

Falanqeyn;

In Axmed Sharac uu mar keliya helo hadal togan oo ka imanaya Trump, isla markaana uu martiqaad rasmi ah ka helo Putin, waxay muujinaysaa ; Sharac hadda waa hoggaamiye ay quwadaha waaweyn u arkaan hoggaamiye ay la shaqeyn karaan.

Mareykanku wuxuu u muuqdaa inuu doonayo xasillooni iyo kala dambeyn, isagoo aan rabin firaaq amni oo cusub, halka Ruushkuna uu doonayo in uu sii hayo saameynta uu ku leeyahay Suuriya isla markaana hoggaamiyo marxaladda isbeddelka.Sharac arrintan waxay u tahay fursad weyn, wuxuu helay waqti iyo taageero uu ku xoojiyo awoodda gudaha.

Ugu dambeyn, aqbalaadda ay Trump iyo Putin u muujiyeen Sharac waxay si cad u tusaysaa in hoggaamiye kasta oo si dhab ah u maamula dhulka oo xaaladda gacanta ku haya, uu heli karo aqoonsi iyo la macaamil caalami ah, xitaa haddii weli lagu muransan yahay nidaamka siyaasadeed ee dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here