spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Turkiga oo ku Hanjabay in uu Talaab qaadidoono hadii Mareykanka uu Iran...

Turkiga oo ku Hanjabay in uu Talaab qaadidoono hadii Mareykanka uu Iran Weeraro.

0
196

Talaado 27 Jun 2026 {HMC} Turkiga ayaa isu diyaarinaya xaalad ugu darran oo ay wajahi karto Iiraan, haddii uu Mareykanku weerarro, iyadoo Turkiga uu qaaday tallaabooyin lagu sameynayo aag xannibaad ah (buffer zone) oo ku yaalla dhinaca xadka Iiraan, si looga hortago hir cusub oo qaxooti ah oo u soo gudba Turkiga.

Mas’uuliyiin Turkiga ah ayaa u sheegay Baarlaaanka Turkiga, inay qorsheynayaan joojinta muhaajiriinta, isla markaana ay horey u adkeeyeen ammaanka xadka. Xadka waxaa lagu xoojiyay darbiyaal, godad, munaarado ilaalin ah, diyaarado aan duuliye lahayn iyo nidaamyo kormeer oo casri ah.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay Iiraan ay sababeen qiyaastii 4,000 qof oo dhintay iyo 20,000 oo dhaawac ah, xilli sicir-bararka ka jira gudaha Iiraan uu sare u kacay , qiimaha lacagta Iiraana ay ku jirto xaalad burbur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here