Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Gadabuursi ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo wasiirka Arrimaha gudaha Sandheere ayaa yeeshay kulan fashilmay isku Afgaram waayeen xaaladda ka jirta gobolada Awdal iyo Salal.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagaga wada hadlayay xaaladda guud ee Gobolada Salal iyo Awdal gaar ahaan cabashooyinka la xidhiidha ciidamada Somaliland ee la sheegay in si joogto ah loogu daabulayo gobolka, taas oo xildhibaannadu ku tilmaameen mid walaac iyo culays ku ah shacabka deegaanka.
Xildhibaannadu waxay wasiirka u gudbiyeen dareenka, xaalada Amaan ka jirta galbeedka iyo cabashada shacabka reer Awdal, iyagoo si cad u sheegay in haddii aan wax muuqda laga qaban dhibaatada iyo cadaadiska ay sheegeen in lagu hayo bulshada beelaha Gadabuursi
Xogaha ayaa intaas ku biiranaya in kulanku ku dhamaaday is-afgarasho la ‘aan islamarkaana aanu jirin go’aan Cad ah oo lagu qanciyay xildhibaannada, taasoo keentay inay si caro leh uga baxaan xafiiska wasiir cabdalle Sandheere
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Awdal iyo Salal kuwaas oo u baahan xal degdeg ah iyo wada-hadal miro dhal ah.






