spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Spain oo siineysa sharciga deggenaanshaha kumanaan muhaajiriin ay Soomaali ku jirto.

Spain oo siineysa sharciga deggenaanshaha kumanaan muhaajiriin ay Soomaali ku jirto.

0
22

Arbaco, 28, Jan 2026 {HMC} Wasiirka socdaalka ee dalka Spain, Elma Saiz, ayaa xaqiijisay in dowladda hantiwadaagga ah ee dalkaasi ay soo saari doonto wareegto sharciyad siinaysa kumanaan muhaajiriin ah, taasoo aan u baahnayn ansixinta baarlamaanka.

Wareegtadan ayaa khusaysa dadka aan dambiyo hore ku lahayn dalka, gaar ahaan kuwa yimid ka hor bilowgii sanadkan 2026, kuna noolaa dalka in ka badan shan bilood ilaa 31 December 2025.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay sahlayso is-dhexgalka bulshada, xoojinta xuquuqul insaanka, iyo ka qaybqaadashada dhaqaalaha dalka.

“Tan waa maalin taariikhi ah oo u gaar ah dalkeenna,” ayay tiri wasiirka Saiz, iyadoo intaa ku dartay: “Waxaan xoojineynaa qaab socdaal oo ku dhisan xuquuqda aadanaha, is-dhexgalka iyo wada-noolaanshaha.”

Soomaali badan ayaa ku nool Spain, qaarna waxay ku tageen dalkaas si sharci darro ah, halka qaar kalena ay hore u heleen sharci deggenaansho. Maxamed Cibaar Diiriye oo deggan Madrid ayaa BBC-da u sheegay in inta badan dadka Afrikaanka ee Spain ku nool aysan sharci heysan, balse tallaabadan cusub ay u sahli doonto inay si rasmi ah uga shaqeystaan dalka.

Cibaar ayaa xusay in Soomaalida dalkaas ku nool ay nasiib u yeesheen in Spain si gaar ah ugu fududeyso sharciyadooda, wuxuuna sheegay in Soomaalida badankood ay yihiin kuwa kasoo galay dhinaca badda.

“Arrintan waa mid aad loo sugayay,” ayuu yiri Maxamed Cibaar Diiriye, isagoo ku daray in dadka soo-galootiga ah ay hadda heli doonaan fursado shaqo iyo ka mid noqoshada bulshada si rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here