spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay oo fasaxay gargaarkii uu siin...

Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay oo fasaxay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya

0
22

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dib u bilaabayso gargaarka bani’aannimo ee ay siin jirtay Soomaaliya, kaasi oo la soo marsiiyo Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).

Qoraal kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan tillaabada Soomaaliya qaaday si loo ilaaliyo gargaarka Bani’aannimo ee loogu talagalay dadka tabaaleysan.

“Dowladda Maraykanku waxay qiraysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda ilaalinta Raashinka WFP oo uu ku jiro midka aan ku deeqnay, Bayaankan kadib, waxaan dib u bilaabi doonnaa bixinta raashinka ee WFP.” ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa xusay in inkastoo gargaarka raashinka dib loo fasaxay, haddana ay sii wadi doonaan dib-u-eegista lagu sameynayo guud ahaan hannaanka iyo qaabka kaalmada ay siiyaan Soomaaliya, si loo xaqiijiyo hufnaanta gargaarka.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya xaqiijisay in ballaarin lagu sameeyay dekadda Muqdisho sababtay in si kumeel gaar ah raashinka looga raro bakhaarka WFP halkaasi ku laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here