Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC}Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay maanta mar kale kulan ku yeeshaan Guddiga farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa qorshaha yahay in ay maanta mar kale sii wadaan wada tashiyada la xiriira qaabka uu ku qabsoomi doono shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Madaxdii hore ee hadda Mucaaradka ah, Maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Kulankii shalay ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday isfahan iyo in la sii wado shirarka si loo gaaro xal waara.
Gogosha 1 bisha Febraayo la qaban doono ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo muujiyay in ay ka go’antahay sidii loo afjari lahaa tabashada ay qabaan qaar kamid ah Xubnaha Mucaaradka.
Waxaa xusid mudan in hore garab kale oo Mucaarad ah ay dowladda Federaalka ula heshiiyeen, iyadoo tabashooyinka ay qabeen la xalliyay qaar koodna ka qeyb galay Doorashada qof iyo codka aheyd ee dhammaadka sannadkii hore ka qabsoontay Magaalada Muqdisho.






