spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Mareykanka oo Israa’iil iyo Sacuudiga kala tashanaya weerar lagu qaado Iran.

Mareykanka oo Israa’iil iyo Sacuudiga kala tashanaya weerar lagu qaado Iran.

0
19

Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Warbixin lagu daabacay shabagga wararka Axios ayaa sheegtay in labada saraakiil ee sare ee Mareykanka ay kulmayaan madaxda ammaanka iyo difaaca ee Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya si ay uga wada hadlaan xaaladda ku saabsan Iiraan, iyadoo ay jirto welwel sii kordhaya in Mareykanku uu weerar ku qaado Iiraan.

Kulamada oo ka dhacay Washington, DC, ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku qiimeynayo khiyaarada u furan ee ku aadan dagaal milateri ee ka dhan ah Iiraan, iyadoo la rumeysan yahay in Trump weli go’aan kama dambeys ah aanu gaarin.

Saraakiisha Israa’iil ayaa la sheegay inay la wadaageen Washington macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Iiraan gudaheeda, halka Sacuudi Carabiya ay dhinaca kale diiradda saareyso xalka diblomaasiyadeed si loo ka fogaado dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Sacuudi Carabiya aysan oggolaan doonin in hawadaheeda ama dhulkeeda loo isticmaalo howlgal milateri oo ka dhan ah Tehran, iyadoo Sacuudiya waxay isku dayaysaa inay u gudbiso fariimo u dhexeeya Washington iyo Tehran si loo dejiyo xiisadaha.

Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan jirin diblomaasiyad rasmi ah oo toos ah oo dhexmartay Washington iyo Tehran, isla markaana Iiraan ay ku hanjabtay in wax kasta oo tallaabo milateri ah loo qaado ay jawaab adag ka bixin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here