Khamiis 29, Jan 2026 {HMC} Ciidanka dalka Iiraan ayaa maanta helay dufcaddii ugu horreysay oo ka kooban 1,000 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah (drones), kuwaas oo loo qaybiyay qaybaha kala duwan ee ciidanka.
Tallaabadan ayaa timid xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda kala dhaxaysa dalka Maraykanka, kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu ugu goodiyay Teheran weerar milatari haddii ay diiddo inay saxiixdo heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Taliyaha guud ee ciidanka Iiraan, Amir Hatami, ayaa sheegay in ciidanka ay xoojinayaan cududdooda istiraatiijiyadeed si ay uga jawaab bixin karaan hanjabaad kasta, isagoo ballan-qaaday jawaab “burburin ah” oo ka dhan ah cid kasta oo soo weerarta.
Dhanka kale, ciidanka badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay 1-da iyo 2-da bisha Febraayo dhoolatus ciidan oo ay adeegsanayaan rasaasta nool ah ka fulin doonaan marin-biyoodka Hormuz.
Marinkan oo ah midka ugu muhiimsan caalamka ee laga dhoofiyo saliidda, ayaa xudun u ah loolanka juquraafi-siyaasadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo quwadaha reer galbeedka.






