spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, oo ka mid ah shaqsiyaadka loo tixgeliyo...

Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, oo ka mid ah shaqsiyaadka loo tixgeliyo kuwa ugu saameynta sarreeya amniga iyo sirdoonka.

0
34

Jimco 31 Jan 2026 {HMC} Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Amiir Turki al-Faisal, oo ka mid ah shaqsiyaadka loo tixgeliyo kuwa ugu saameynta sarreeya amniga iyo sirdoonka Bariga Dhexe, ayaa maanta si cad u muujiyay in aanu jirin wax khilaaf ah oo dhaawacaya xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Hadalkiisa wuxuu si gaar ah u beegsaday warar iyo hadallo warbaahineed oo uu ku tilmaamay kuwo buunbuunin iyo kicin ah, kuwaas oo isku dayaya inay ka faa’iideystaan kala aragti duwanaansho mararka qaar ka dhex muuqda labada dal.

Amiir Turki wuxuu xusay in xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu yahay mid qoto dheer, ku dhisan dano amni, istaraatiijiyad iyo iskaashi muddo dheer soo jiray, isla markaana aanu si sahal ah u wiiqmi karin.

Sida uu u dhigay, kala duwanaanshaha aragtiyeed ee mararka qaarkood soo baxa waa arrin dabiici ah oo ka dhex jirta dal kasta oo xiriir dhow leh, balse ma gaarto heer wax u dhimaya isbahaysiga guud.

Hadalkan ayuu Amiir Turki ka jeediyay shirkii “Investment Sea” oo ka dhacay Shura Island, goob si taxaddar leh loo doortay, taasoo xambaarsan fariin ka tarjumaysa isku xirnaanta amniga, dhaqaalaha iyo danaha badda ee Sacuudiga iyo xulafadiisa.

Hadalkaasi wuxuu u muuqday mid si gaar ah loogu dirayay laba dhinac: warbaahinta iyo quwadaha kale ee isku dayaya inay faragelin ku sameeyaan xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi.

Marka si qoto dheer loo akhriyo, hadalka Amiir Turki wuxuu muujinayaa aragti istaraatiiji ah oo Sacuudigu muddo dheer ku shaqeynayay: in khilaafaadka yaryar ama aragtiyada ku-meelgaarka ah aan loo oggolaan inay saameeyaan danaha waaweyn ee amniga gobolka.

Arrintan si cad ayay uga muuqataa sida labada dal ula macaamilaan faylalka xasaasiga ah ee ka baxsan xuduudahooda.

Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu cadcad waa Soomaaliya. Bartamihii sannadkii 2025, sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya, intii uu booqasho ku joogay Sacuudiga, ayaa la wadaagay saraakiil Sacuudi ah warbixinno dhaliil u jeedinaya Imaaraadka Carabta, sida ay ii xaqiijiyeen xubno la socday kulanka , iyadoo jawaabta uu sarkaalka Soomaaliga ah ka helay Sacuudiga ay noqotay:

“Galka Soomaaliya waa mid aan wadaagno Imaaraadka.” Hadalkaas wuxuu si cad u muujiyay in Riyadh iyo Abu Dhabi ay Soomaaliya u arkaan fayl wadajir ah, isla markaana aan loo oggolaan doonin in arrimaha gudaha Soomaaliya ay noqdaan sabab lagu kala fogeeyo labada dal.

Inkasta oo waqtigaa kadib ay dhaceen isbeddello gaar ahaan koonfurta Yemen iyo aqoonsiga ay Soomaaliland ka heshay Israa’iil,haddana arrimaha aan si toos ah u khuseyn amniga qaranka Sacuudiga ama Imaaraadka badanaa laguma kala aragti duwanaado si fagaare ah, waxaa lagu xalliyaa wadahadallo hoose iyo is-afgaradyo ka baxsan indhaha warbaahinta, si loo ilaaliyo isku dheelitirka danaha gobolka.

Doorka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale tusaale u ah sida quwadaha gobolka ay uga fogaadaan isku dhac toos ah.

Markii ay kaceen xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, Ankara waxay si degdeg ah u dirtay wafdi sare oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan si uu ula hadlo Abu Dhabi.

Mid ka mid ah qodobadii ugu waaweynaa ee la isla meel dhigay wuxuu ahaa sidii labada dal u ilaalin lahaayeen danahooda Soomaaliya, iyagoo aan isu beddelin tartan furan ama isku dhac.

Arrintan ayaa sidoo kale ka muuqata sida Turkigu ula dhaqmay Somaliland.

Inkastoo Ankara ay qunsuliyad ku leedahay Hargeysa, isla markaana ay juqraafi ahaan iyo istaraatiji ahaan Somaliland u tahay meel muhiim u leh danihiisa, haddana Turkigu marnaba ma uusan aqbalin inuu sameeyo joogitaan rasmi ah ama xiriir gaar ah oo ka baxsan qaabka guud ee uu kula macaamilo Somaliland.

Sababta ugu weyn waa ka fogaanshaha meelaha ay horey uga jiraan dano iyo joogitaan quwado kale oo xasaasi ah, si uusan Turkigu u gelin is-mari-waa diblomaasiyadeed.

Gabagabadii, hadalka Amiir Turki al-Faisal wuxuu si cad u muujinayaa xaqiiqo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda gobolka:

Sacuudiga iyo Imaaraadka waa laba dal oo khilaaf maareeya, balse aan isbahaysigooda u hurin hadallo warbaahineed ama arrimo ku-meelgaarka ah.

Soomaaliya iyo faylal la mid ahna waxaa loo arkaa arrimo wadajir ah oo lagu maareeyo xeelad, dulqaad iyo wada-tashi, halkii laga dhigi lahaa sabab kala fogaansho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here